U bood dhigaalka

Garoonka Diyaaradaha Baardheere Oo Si Rasmi Ah Loo Furay

Sheeko:Dalka

Muddo 10-sano ah ka dib ayaa dib loo furay garoonka diyaaradaha degmada Baardheere ee gobalka Gedo, halkaasi oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada dowladda Federaalka, Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa u sheegay Goobjoog News in wixii ka dambeeyay shalay oo taariikhda ku beegneyd 20 August ay fureen garoonka magaalada Baardheere.

Waxa uu tilmaamay in markii la furuyay ay goobjoog ka ahayd dowladda Federaalka, gaar ahaan wasiirka difaaca iyo sidoo kale saraakiisha AMISOM.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu madaxweyne ku xigeenka u sheegay inuu furan yahay Garoonka magaalada Baardheere.

“Waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Jubbaland in uu furan yahay garoonka caalamiga ah ee degmada Baardheere, waa garoonkii Labaad ee ugu weyn Jubbaland, waxaana bilaaban doona duulimaadyada, hay’adaha gargaarka iyaguna sidaasi ayaan u sheegayaa” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Hadii duulimaadyada shacabka ah billaabo garoonka degmada Baardheere waxa ay noqoneysaa in ay ka faa’ideystaan dad badan oo ku dhaqan degmadaasi iyo deegaanada kale ee gobalka Gedo.

Goobjoog News