U bood dhigaalka

Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb Oo Aad U Mashquulsan

Sheeko:Amniga

Garoonka diyaaradaha magaalada dhuusamareeb ayaa saakay aaad u mashquul ah , iyado wararka naga soo gaarayo ay sheegayaan in garoonka ay buux dhaafinayaan mas’uuliyiin kala duwan kuwaas oo raba in ay saakay soo aadan magaalada Muqdisho.

Maxmamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goor dhaw ka soo duulay Dhuusamareeb, isagoo saacadaha soo socda Magaalada Muqdisho kulan kula qaadan doona xildhibaanada Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhacay.

Dhanka madaxda dowlad gobaleedyada ayaa ku sugan garoonka kuwaas oo deeganadooda dib ugu noqonaya, kadib kulan ay kaga qeeyb galeen dhuusamareeb.

Xildhibaan iyo mas’uliyiin doonaya in kulanka Villa Hargeysa ka dhacayo ay ka qeeyb galaan ayaa Buux dhaafiyay garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur .