U bood dhigaalka

Garoonka Diyaaradaha Ee Degmada Buuloburde Oo Maanta Xarigga Laga Jarayo

Sheeko:Dalka

Wararka ay helayso Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in saacadaha soo aadan degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan uu ku wajahan yahay wafdi uu hogaaminayo wasiirka Amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Hiiraan Cabdirisaaq Al-cadaalla ayaa soo sheegaya in ulajeedka wafdigan ay u tagayaan degmada Buuloburde ay tahay sidii xarigga looga jari lahaa garoonka diyaaradaha ee degmadaasi.

Degmada Buuloburde waxaa ku sugan gudoomiyaha gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar Dabageed iyo saraakiil ciidan.

Waxaa lagu wadaa in munaasabadda xarigga looga jarayo garoonka degmada Buuloburde ay ka qeybgalaan safiirrada qaar ka mid ah dalalka caalamka ee dalka ku sugan.

Degmada Buuloburde ayaa loo asteeyay inay noqoto caasimadda rasmiga ah ee maamulka loo sameynayo goballada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News