U bood dhigaalka

Garoonka Diyaaradaha Hobyo Oo La Dayactirayo

Sheeko:Dalka

Maareeyahay garoonka diyaaradaha degmada Hobyo ee Galmudug Cabdi Warsame Faarax ayaa faah faahin ka bixiyey qorsheyaal la doonayo in lagu dayactiro garoonkaasi.

Mareeyaha oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay socdaan qorsheyaal caalami ah oo uu ku shaqeyn doono garoonkaasi.

Waxa uu tilmaamay in hadda ka maamul ahaan ay wax ka billaabi doonaan dib u habeynta garoonka sidoo kalena shacabka Galmudug laga doonayo in kaalin ay ka qaataan arrintan.

Cabdi Warsame ayaa tilmaamay in shacabka kasoo jeeda deegaannada Galmudug kuna nool dalka dibaddiisa looga fadhiyo in kaalin xooggan ay ka qaataan dib u dayactirka iyo ballaarinta garoon diyaaradeedka ku yaalla degmada Hobyo.

Garoonkan hadda ma shaqeeyo hase ahaatee hadii uu dib u shaqo billaabo waxa uu fududeyn doonaa arrimo badan oo la xiriira isku socodka dadweynaha iyo in degmada Hobyo noqoto magaallo camiran ganacsi ahaan.

Goobjoog News