Garoonka Hargeysa oo laga bilaabay baaritaano ku aadan Ebola (Dhageyso wareysi)

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargaysa ayaa sheegay in ay   baaritaano dheeraad ah oo dhinaca Caafimaadka ay ku bilaabeen dadka ka soo degaya Garoonka Magaladaasi kuwaas oo ka imaanaya dalalka Galbeedka Afrika oo Fayruska Ebola u ka jiro.

Ku Xigeenka Maareyaha Garoonka Magaalada Hargaysa Nageeye Maxamed Xasan ayaa sheegay in Go’aankan ka yimid Wasaarada Caafimaadka Maamulka Hargaysa.

Wacyo galin arintani ku saabsan ayuu tilmaamay Mr Nageeye in ay siiyeen Shaqaalaha ka hawlgala Garoonka Magaalada Hargaysa si wax walba looga hortago.

Cudurka Ebola ayaa ka dilaacay dalal badan oo ku yaala Galbeedka Afrika, waxaana jirta cabsi ah in dalal kale oo cusub uu ku faafo.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysi aynu la yeelanay Nageeye Maxamed Xasan, waxaana soo qaaday wareysiga Wariyaheena Cumar Serbiya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW