U bood dhigaalka

Garoowe: Axmed Madoobe oo Gaaray iyo Deni oo Soo Dhoweeyey

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam Moobe.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay dhiggiisa Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland .

Axmed Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Garowe waxa uu ka qeyb gali doona kulamo looga hadlayo arrimaha siyaasadda dalka iyo doorashada.

Goobjoog News