U bood dhigaalka

Garoowe: Doorashada Aqalka Hoose Oo Billaabatay

Sheeko:Baarlamaanka

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ay billaabatay doorashadii aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka oo ay maanta ku tartamayaan dhowr musharrax.

Seddex kursi ayaa qorshaha uu yahay in maanta lagu doorto magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Labo meel oo magaalada ka kala tirsan ayay ka dhacaysaa doorashada kuwaasoo kala ah Jaamacadaha PSU iyo bariga Africa.

Hadda waxaa socda oo kaliya khudbadaha ay musharrixiintu u jeedinayaan ergada wax soo dooranaysa.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News