U bood dhigaalka

Garoowe: Gaas Oo La Kulamay Wafdi Ka Socday UNSOM

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Talaado ah waxa uu madaxtooyada magaalada Garoowe  ku qaabilay wefdi uu hoggaaminayey madaxa xafiiska UNSOM ee Puntland Mr. Aaward Bell.

Mr. Aaward Bell iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa Madaxweynaha Puntland waxa ay ka wada hadleen arrimo la xiriira doorashooyinka, abaaraha ka jira Puntland iyo xaaladaha guud ee Soomaaliya.

Wefdigan ka socday xafiiska UNSOM ee Puntland ayaa waxa ay ugu horreyn Puntland ku bogaadiyeen hanaanka geeddi socodka ee doorashooyinka heer federal ee Puntland ka socda, waxayna sidoo kale tibaaxeen in beesha caalamka iyo Qaramada Midoobey ay sidhow ula socoto dedaallada dheeriga ah ee Puntland ku bixisay sidii ay u hirgelin lahayd hanaanka Dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Madaxda xafiiska UNSOM ka warhaynta iyo la socodka doorashooyinka ka socda Puntland, sidoo kalena ugaga warbixiyey doorashada aqalka hoose ee haatan ka socota Puntland halka ay mareyso.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland ayaa weftiga ka socdey xafiiska UNSOM si qoto dheer uga xog bixiyey xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland welibana u sheegay in loo baahan yahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, isagoo tilmaamay in ay muhiim tahay in beesha caalamku ay ka qayb libaax ka qaataan kana qayb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu ku habsadeen.

–DHAMMAAD—