U bood dhigaalka

Garoowe: Isbedal Lagu Sameeyay Shaqaalaha Waaxda Canshuuraha

Sheeko:Dalka

Is bedal ayaa lagu sameeyay shaqaalaha hoose ee magaalada Garoowe waxaana hirgeliyey maamulka degmada, iyada oo sidoo kale la tayeeyay shaqaalaha waaxda canshuuraha .

Shaqaalaha waaxda canshuuraha ee magaalada Garoowe ayaa waxaa loo sameeyay labis gaar ah iyo kaarar lagu aqoonsado taasi oo caddeyneysa sawirka iyo xogta qofka canshuurta qaadaya.

Shaqaalahaan ayaa waxa ay is kugu jiraan rag iyo dumar, waxaana lagu soo bandhigay xarunta dowladda hoose ee Garoowe.

Xoghayaha dowladda hoose ee Garoowe Maxamuud Cali Guray ayaa sheegay in ay jireen cabasho uga imaaneysay shacabka, kuwaasi oo doonayey in ay arkaan shaqaalo nidaamsan watana aqoonsiyo lagu garan karo waxaa uuna yiri.

“Dowladda hoose dadka canshuuraha u qaadayo waxaan u galinay calaamaddii lagu yaqaannay dowladda hoose waxaanna siinnay kaarar lagu aqoonsado dadka qaadaya canshuuraha”.

Shaqaalaha canshuurta dowladda hoose sidoo kale waxaa la siiyey gaadiid ay ku howlgalaan marka ay soo aruurinayaan canshuuraha.

Goobjoog News