U bood dhigaalka

Garoowe: Koronto Dishay Gabar 6 Sano Jir Ah

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan in gabar 6 sano jir ah ay geeriyootey halka mid kalena dhaawac uu kasoo gaaray kadib markii ay ku dhegtay koronto.

Dhacdadan ayaa ka dhacday xaafadda Horseed ee magaalada Garoowe, waxaana la sheegay in gabadhan ay qabsatay Baalle halkaasi ku yaalla oo bir ah xilli uu qoyanaa, sidaasina ay dabka ugu soo gudbay.

C/risaaq Maxamed Cali oo ka tirsan maamulka shirkadda korontada ee NECSOM ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News dhacdadan.

Waxa uu tilmaamay in la aamisan yahay roobka oo xooganaa uu isku soo dhoweeyay fiilooyinka iyo baalaha birta ah, sidaasida korontada kusoo gudubtay.

C/risaaq ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ugu baaqay iney ka fogaadaan baalayashaada korontada, gaar ahaan kuwa birta ah.

Dowladda hoose ee magaalada Garoowe weli kama aanay hadal dhacdadan oo dad badan walaac ku beertay.

Goobjoog News