U bood dhigaalka

Garoowe: Kulamo U Socda Madaxda Dowladaha P/land, G/mudug K/galbeed Iyo J/Land

Sheeko:Amniga

Madaxweynayaasha dowladaha kala ah Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa caawa ku sugan magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland oo uu wehliyo madaxweyne Cabdiwali Gaas oo martida loo yahay.

Madaxda ayaa kulamo gaar gaar ah ku qaadanaya aqalka madaxtooyada dowladda Puntland oo ay ku sugan yihiin.

Kulamada soconaya ayaa lagaga hadlayaa xaaladda wadanka iyo khilaafka kala dhaxeeya madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynayaasha dowladaha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa diyaarado u qaatay Garoowe halka Madaxweynaha dowladda Galmudug Axmed Ducaalle uu safar dhulka ah oo uu kaga baxay Gaalkacyo uu Garoowe ku tegay isagoo ay galbinayaan gaadiidka dagaalka.

Shirka Garoowe ee gollaha iskaashiga waxaa qeyb ka ahayn madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo kal hore magaalada Muqdisho ka sheegay in uu la heshiiyay dowladda federaalka ee uu hoggaanka u hayo madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Waxaa weli taagan khilaafka madaxda Villa Somalia iyo dowladaha xubnaha ka ah marka laga reebo Hirshabeelle iyadoo khilaafkaasi siyaasadeed uu gaaray heerkii u hooseeyay.

Waxaa iyana jirta waanwaan aqalka sare uu ka dhex wado dowladda iyo maamullada oo ku aaddan sidii loo qabiijin lahaa khilaafka laba kacleeyay.

Goobjoog News