U bood dhigaalka

Garoowe: Madaxda Puntland oo casho sharaf u sameysay Xaabsade

Sheeko:War
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas iyo Axmed Cabdi Xaabsade
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas iyo Axmed Cabdi Xaabsade

Madaxda maamulka Puntland oo shalay galab magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Axmed Cabdi Xaabsade oo horey xilal kala duwan ugu soo qabtay maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay masuulkan magaalada garoowe.
Soo dhaweynta loo sameeyay Waftiga Xaabsade waxaa ka qayb qaatay Madaxwayne Ku Xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay,Wasiiro, Xildhibaano,Haween, Dhalinyaro iyo qaar ka mid ah bulshada ku nool Magaalada Garoowe, kuwaasi oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta Siyaasiga.
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay qaadan doonaan fikradaha Axmed Cabdi ee ku aadan midnimada iyo nabadda Puntland.

Wuxuu tilmaamay in Xaabsade uusan marti ku aheyn Puntland, balse uu u yimid dadkiisa iyo dhulkiisa. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa tilmaamay inuu kamid yahay dadkii aas-aasay Puntland, haddana uu u tagay Garoowe sidii uu ugu shaqeyn lahaa horumarinta Puntland kadib sanado badan oo uu ka maqnaa.

Wuxuu xusay in tagistiisa Garoowe ay ka dambeysay codsi ugu yimid madaxda Puntland oo ku saabsaneyd inuu la shaqeeyo. Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade ayaa dhankiisa tilmaamay inuu wax badan oo dhinaca horumarka ah ka sameeyay Somaliland, intii uu xilalka ka soo hayay.