U bood dhigaalka

Garoowe Oo Ay Ku Soo badanayaan Falalka La Xiriira Dhaca

Sheeko:Dalka

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa ku soo badanaya falalka la xiriira amni darrada kuwaasi oo iskugu jira dil iyo dhac ay geystaan dhallinyaro abaabulan.

Arrintaan ayaa walaac ka muujiyey shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe, waxayna sheegeen in ay dhib ku hayaan dhallinyaradaan hubeysan.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Nugaal Faarax Galan-gooli ayaa sheegay in la soo xirxiray qaar ka mid ah dhallinyarada geysanayey falalka amni darrada.

“Inta xiran oo xabsiga ku jirta waxaa ay ka mid yihiin dhallinyaradii dhaca geysanayey, waxaan wadnaa shaqada aan ku baadi goobeynno dhallinyarada kale eek u howlan falaka amni darrada”.

Falalka amni xumo ayaa ku soo badanaya Garoowe, waxayna dadka shacabka ay dalbanayaan in dhallinyaradaan wax laga qabto, kuwaasi oo dhac iyo dil u geysta dadka.

Goobjoog News