U bood dhigaalka

Garoowe: Qoyska Marxuumad Maryan Axmed Caato Oo Cabasho ka ah Puntland

Sheeko:Amniga

Qoyska gabar dhaqtarad aheyd oo gudaha magalaada Garowe ugu geeriyotay rasaas ay isku ridayeen ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in aan wali lagala hadal kiiska gabadhooda welina aysan jirin cid qaabishay qoyska.

Naabaddoo Abshir Cali Halow oo ka tirsan qoyska marxuumad Maryan Axmed Caato oo  geeriyootay Garowe ayaa waxaa uu sheegay in aysan wali jirin cid kala hadashay, waxaana uu xusay inaan loo ogolaan in ay tagaan madaxtooyada maamulka.

Marxuumad Maryan ayaa waxaa ay ku baxday gacanta ciidamada gaarka ilalada madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, xili ay socotay goobta, waxaana taliyaha Booliiska Nugaal oo  la hadlay BBC-da uu sheegay markaas in la qaabilay qoyska gabadha.

Allah unaxariistee marxuumad Maryama Axmed Caato ayaa la sheegay xiligii ay la kulantay israsaaseynta ciidamada ay ka timid goob waxbarasho, iyadoo ku sii jeeday hoygeeda waxaana la dilay 27-kii Setembar sanadkii naweydaartay ee 2021-ka