U bood dhigaalka

Garoowe: Shacabka Oo Ka Cabanaya Amni Darro

Sheeko:Amniga

Shacabka ku nool Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa ka cabanaya dhallinyaro hubeysan kuwaasi oo dadka u geysta dhac iyo dil.

Dhallinyaradan ayaa ah kuwo abaabul oo u socda koox koox waxayna dadka ka dhacaan Telefoonnada ay wataan iyaga oo mararka qaarna geysta falal la xiriira dilal.

Dhallinyarada ayaa waxaa ay ku hubeysanyihiin tooreeyo waxayna falalka dhaca ay ay geysan jireen xilliyada habeekii, balse hadda waxaa ay dadka ka furtaan telefoonnada iyo agabka kale oo ay wataan maalin cad.

Magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland ayaa ku soo wajahan in lagu qabto doorashada Maamulkaasi sandka 2019-ka, amniga magaalada ayaa noqday maalmihii dambe mid sii xumaanaya, ka dib markii dhalliyaro hubeysan ay dhac u geystaan dadka degan magaalada.

Laamaha ammaanka ee Magaalada Garoowe ayaa ku guul dareystay in ay wax ka qabtaan dhallinyarada Tooreeyada wata kuwaasi oo dhibaato kala duwan u geysta Shacabka degan xaafadaha Magaalada Garoowe.

Marar badan ayay sheegeen Laamaha amniga Garoowe in amniga ay wax ka qabteen iyaga oo tilmaamay in gacanta ay ku soo dhigeen qaar ka mid dhallinyarada dhaca u geysta dadka Shacabka ah, ee ku nool Garoowe.

Goobjoog News