U bood dhigaalka

Garoowe: Wafdi Cabdi Xaashi uu Hogaaminayo oo Gaaray iyo Deni oo Soo Dhaweeyay .

Sheeko:Dalka

Waxaa  goordhaw magaalada Garowe, ee xarunta  gobalka Nugaal  ayaa waxaa goor dhaw gaaray wafti heer sare oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Cabdi Xaashi Cabdillaahi .

 

Wafdiga gudoomiyaha aqalka sare ayaa waxaa qeeyb ka ah Musharax Madaxweeyne danjire Daahir Maxamuud Geelle, xubna ka tirsan senetarada Aqalka sare iyo Mas’uuliyiin kale , waxaana  garoonka diyaaradaha Garowe ku soo dhaweeyay Madaxweeynaha maamulka Puntland Saacid Cabdullahi Deni iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

 

Saacadaha soo socdo ayaa sidoo kale la filaya in ay gaaran magaalada garowe xubnaha midawga musharixiinta madaxweynaha, halkaas oo ay kaga qeeyb galayaan dood cilmiyeed sanadla ah .

Shir sanadeedkaan oo uu soo qaban qaabiyay machadka Heritage ayaa waxaa sanadkaan looga hadlaya qodobo ay ka mid yihiin ,   Xasilnta amniga , qabashada Doorasho qof iyo cod sanadka 2025,  Dhameystirka dastuurka KMG ah iyo  Yagyeelidda nidaam federaal oo shaqeynaya”