U bood dhigaalka

Garoowe:Wada hadallada dowladda iyo maamulka Puntland oo maanta la soo gabagabeynayo

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo wada hadallada magaalada Garowe uga soconayay wafdigii dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

Wararka ka imaanaya Garoowe ayaa sheegaya in kulan gaar ah xalay ay magaalada ku yeesheen masuuliyiinta ku sugan magaalada kaas oo looga hadlay muhiimadda wada hadallada ka soconaya Garowe kaasi oo la doonayo in lagu soo gaba gabeeyo khilaafkii ka dhex taagnaa maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka.

Warbaahinta ka hawlgasha Garowe ayaa looga yeeray xarunta wasaaradda caafimaadka maamulka Puntland oo ah goobta uu ka socday.

Natiijada shirka ayaa saaka lagu wadaa in lagu dhawaaqo, waxaana goob joog ka ah ergeyga qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjre Nicholas Kay, urur goboleedka IGAD, masuuliyiin ka socda Itoobiya  iyo xubno ka socda midowga Yurub.

Wixii war ah ee ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM