U bood dhigaalka

Garsoore Mareykanka Ah Oo Si KMG Ah U Hakiyey Go’aanaddii Trump

Sheeko:Dalka

Xaakim Maraykan ah oo ku sugan magaalada Setela ayaa soo saaray go’aan  si kumeel gaar ah  loo qaadayo xanibaaddii uu ku soo rogay maaxweyne Trump todobo dal oo badankoodu ay yihiin Muslimiin.

Xaakimka James Ruberte ayaa diiday is hor istaagid ka timid qareenno u dhashay dalka Maraykanka kaasoo lagu filinayo qo’aankii  madaxweyne Donald Trumo.

Tallaabadaan ayaa keentay  inay isku soo baxaan dibadbaxyaal  tadobaadkii la soo dhaafay ,wasaaradda arrimaha debadda waddanka maraykanka ayaa sheegtay in 60 kun oo viza ah  lala laabtay tan iyo markii uu soo baxay go’aanka madaxweynaha.

AQalka cad ayaa waxa uu ku timaamay go’aanka Donald Trum inuu yahay sharci kuna haboon isgoo sheegay in amarka madaxweynah  uu yahay mid ilaalinaya muwaadiniinta oo isaga ay mas’uuliyad ay ka saarantahay ilaainta shacabka maraykanka .

Todobaadkii hore ayaa madaxweynaha dalka maraykanka waxa uu soo saaray amar lagu joojinayo dadka safarada ah oo soo galaya maraykanka kuwaas oo dhan todobo dowladood.

Goobjoog News