U bood dhigaalka

Garyaqaan Cali Sheikh Gacal Oo Loo Doortay In Uu Ka Mid Noqdo Senatorada Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada doorashada kursiga labaad ee doorashada Aqalka sare dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ku matalaya BJFS.

Kuraasta maanta la dooranayo oo gaaraya illa seddax kursi ayaa kursiga labaad waxaa kuwada tartamay Cali sheikh Maxamuud Gacal iyo Cabdiqaadir Cabdi Axmed.

Cali sheikh Maxamuud Gacal ayaa ku guuleystay doorashada kadib markii uu helay codad dhan 68, halka Cabdiqaadir Cabdi Axmed uu helay 22 cod.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada Kursiga koowaad oo uu ku guuleystay Cali sheikh Maxamuud Gacal.

Goobjoog News