U bood dhigaalka

Garyaqaanka Guud Ee Dowladda Oo Maxkamadda Sare Ka Dalbaday Laba Isbuuc

Sheeko:Amniga

Garyaqaanka guud ee dowladda ayaa maxkamadda sare ee dalka u gudbiyay warqad uu ku codsanayo in la siiyo muddo laba isbuuc ah oo uu kaga soo jawaab celiyo dacwadda maxkamadda loo gudbiyay ee ka dhanka ah guddiga FEIT.

War qoraal ah oo ka soo baxay garyaqaanka ayuu ku sheegay in loo baahan yahay waqti ku filan dacwadda oo loosoo diyaariyo cadeymaheeda.

Maxkamadda sare ayaa warqad ay u dirtay Garyaqaanka guud ee dowladda ku sheegtay in ay hal maalin dib u dhigtay dacwad uu Fahad Yasin u gudbiyay maxkamadda sare oo ka dhan ah guddiga doorashooyinka FEIT.