U bood dhigaalka

Garyaqaanka Guud Iyo Hanti dhowraha Guud ee Qaranka  Oo Sheegay In Ceymiska Uu Hoostago Maaliyadda, Lana Siin Karin Shirkad Private Ah.

Sheeko:Dalka

Garyaqaanka guud ee dowladda Cusmaan Cilmi Guuleed iyo Hanti dhowraha Guud ee Qaranka  Nuur Faarax Jimcaale ayaa maanta saxaafadda uga waramay ceymiska, iyagoo sheegay in lagu dhisay sharciga 20-aad kaas oo soo baxay January 15, 1973-dii.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in uu hoos tago wasaaradda maaliyadda isla makaana aan weli laga hadlin in private laga dhigo iyo in kale, isla wasaaradda ayaa leh in ay sameyso sharci ama ay dhaqan geliso sharcigii hore, intaas wixii ka horeeya waxaa ay sheegeen in uu ahaano hey’ad dowladeed oo ka tirsan hey’adaha dowladda Soomaaliya.

Garyaqaanka guud ee dowladda Cusmaan Cilmi Guuleed oo ka hadlayey dibbax iyo cabasho laga sheegay in shirkad gaar ah lagu wareejiyay ceymiska waxaa uu yiri:

“Arrintaa saakay dhacday aad iyo aad ayaan uga xunahay in iyadoo aan wasaaradda maaliyadda kasoo bixin sharcigii looga dhigi lahaa Private, in uu ceymiska noqdo private , in si pravite ah shirkado privite u shaqeeyaan arrintaasina ay magaalada Muqdisho dhiobaato ku keentay, waxaan la socodsiineynaa hey’adaha dowladda, wasaaradda maaliyadda ugu horeyso in ceymiska uu yahay hey’ad dowladeed ee uusan dalka ka jirin ceymis private ah”.

Dhinaca kale Hanti dhowraha Guud ee Qaranka  Nuur Faarax Jimcaale waxaa uu sheegay in xafiiskiisa iyo midka garyaqaanka guud ay gaadiidleyda soo gaarsiiyeen cabasho, isagoo ka digay in aan la iska horkeenin shacabka iyo dowladda, waxaa uu sidoo kale adkeeyay in sharcigii hore in la badalo loo baahan yahay si loo hirgeliyo ceymis priavte ah.

Goobjoog News