U bood dhigaalka

Gashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin oo loo magacaabay taliyaha booliiska G. Banaadir

Sheeko:Amniga

Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Cabdi Maxamed Xijaar, ayaa Gashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, u magacaabay taliyaha qaybta guud ee booliiska gobalka Banaadir.

Gaashaanle sare Mahdi Cumar ayaa horay u soo hoggaamiyay taliska NISA ee maamulka Galmudug, waxaana hadda loo soo wareejiyay booliiska gobalka Banaadir.

Taliayaha cusub ayaa baddali doono Allaah u naxariistee Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole ), oo isbuuc ka hor ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay Basra.

Goobjoog News