U bood dhigaalka

Gaadiidka AMISOM oo Qof Rayid ah Ku Jiiray Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qof rayid ah oo lagu magacaabo Cabdiweli Abukar Cabdulle oo 25 jir ah, isla markaana Mooto watay ayey gadiidka AMISOM ku jiireen wadada Warshadaha, qeybta degmada Hodan.

Cabdiweli waxaa soo gaaray dhaawac daran waxaana burburtay mid ka mid ah Lugahiisa, waxaana markii uu shilka dhacay goobta ka baxsaday gaadiidkii falkaasi ka dambeeyay.

Intaasi ka dib ayaa gaadiidka AMISOM waxaa ka daba baxay , saraakiisha Ciidamada dowlada, maamulka Hodan iyo mas’uuliyiinka ka tirsan gobolka Banaadir, iyaga oo ugu dambeyn wada hadal la galay AMISOM, la’iskuna afgartay in ay bixiyaan wax walba oo ku baxaya daaweynta Cabdiweli.

Isbitaal lafaha ah oo ku yaalla Degmada Howl-wagaad ayaa lagu daaweynayaa Cabdiweli oo xaaladiisa la sheegay in ay aad u daran tahay.

Guddoomiyha degmada Hodan Axmed Salaad Ibrahim ayaa Goobjoog News u sheegay in AMISOM isla todobaadkan ay jiirtay nin madaxa looga jiro oo hadda lagu dhabiibato Isbitaal Madiina.

Ma ahan dhacdadii ugu horeysay oo ciidamada AMISOM ku jiiraan dad shacab ah, waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho ugu jiireen dhowr qof oo qaarkood ay geeriyoodeen.

Goobjoog News