U bood dhigaalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka war bixiyay socdaalkiisii Turkiga iyo Sweden

Sheeko:War

MuungaabGuddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdidsho ayaa soo dhoweeyay howl-galka lagula dagaalamayo hubka sharci darrada ah ee ka socda Muqdisho.

Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in talaabada ay qaadeen ciidamada nabad sugidda ay tahay mid soo celineysa nabad gelyadii caasimadda.

Mungaab ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimadda socdaalkii uu ku soo maray dalal ka tirsan qaaradda Yurub, isagoo xusay  in intooda badan ay guul ku soo dhamaadeen.

Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay inay ka qayb qaataan dhismaha xarumaha dowladda ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Mungaab  ayaa magaalada Stockholm ee  Sweden kula kulmay duqa magaaladaasi Sten Roland Nordin.

Waa markii labaad ee uu guddoomiyaha gobolka Banaadir Mungaab socdaal dibadda ah u amba baxo tan iyo markii xilka loo magacaabay horaantii sannadkan.