U bood dhigaalka

Gedo: Caruur Laga Talaalay Cudurka Dabaysha

Sheeko:Caafimaadka

Ku dhowaad 5-kun Caruur ah kuna dhaqan degmada Buurdhuubo iyo qaar ka mid ah tuullooyinka hoos yimaada ayaa markii ugu horeysay muddo ka badan Sanad Hal Sano waxaa laga talaalay Cudurka Dabeysha, iyadoo talaalkaasi uu soconayey muddo 3 Maalin ah

Xuseen Cali oo ka mid ah Howlwadeenada Caafimaadka ee degmada Buurdhuubo ayaa Goobjoog News u sheegay in talaalka cudurka dabeysha laga fuliyay degmada Buurdhuubo iyo nawaaxigeeda, waxaana uu tilmaamay in waxgaradka deegaanka inay dadaal badan ku bixiyeen sidii caruurtooda u heli lahaayeen Talaalka dabaysha.

Sidoo kale Xuseen ayaa intaasi ku daray waalidiinta oo aanan arag wax talaal ah Muddo Sanad ah ay aad ugu adkaatay fahansiinta talaalka, isagoo sheegay in ay jiraan Tuullooyin badan oo hoostaga Buurdhuubo oo amniga oo xun awgeed loo geyn waayay Talaalka.

Degmada Buurdhuubo oo goโ€™doon ah muddo ka badan Sanad aaa keenista talaalkan waxaa lagala kulmay dhibaatooyin badan oo xaga amaanka ah iyo wada hadalo lala yeeshay dhinacyada ku hardamaya Buurdhuubo, iyadoo talaalkanna Buurdhuubo lagu soo gaarsiiyey gaari dameero looga soo qaadey dhinaca degmooyinka Luuq iyo Garbahaarey.

Goobjoog News
Garbahaarey, Gedo