U bood dhigaalka

Gedo: Dowladda Federaalka oo Lagu Eedeeyey Faragelin, Isku Dir iyo Afgambin.

Sheeko:Amniga

Magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ka jiray isbadbadallo dhanka maamulka, dowaladda federaalka ah ayaa badashay ama magacawday maamul ka duwan midkii Jubbaland taasi oo keentay xiisad iyo colaad u dhaxeysa dadka deegaanka dhexdooda gaar ahaan gudaha beesha Mareexaan.

Saakay waxaa la sheegayaa in uu dhaqdhaaq cusub jiro,  gaar ahaan xarunta degmada Baardheere, waxaana la wareegay Cismaaciil Sheekh Cabdi Qorax oo ah maamulka uu magacaabay Axmed Madoobe iyada oo ciidamo taageersanaa dowladda la sheegayo in qaarkood ay kala jabeen oo beelaha ku kala biireen.

Suldaan Hiiroow Cismaan oo ka mid suldaamada gobalka Gedo oo la hadlay Goobjoog News ayaa ayaa sheegay in isbadalka dhanka maamulka ah uu dib u dhigay magaalada Baardheere hormarkeedii, isaga oo yiri “ Magaalada Baardheere waxaa ka jira maamul hore ay soo magacowday dowlad goboleedka Jubbland iyo mid horay u jiray oo dowladda federaalka ah ay soocelisay hadda”, Suldaanka waxaa uu intaasi ku daray in labada maamul ee ay kala magacaabeen DF iyo Jubbaland ay is horfadhiyaan.

Suldaanka oo hadalkiisa siiwato ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka ah soo celinta maamulkii hore diidmo ay diidan tahay dowlad gobaleedka Jubbaland, waxaana uu xusay in la doonayo in dadka degmada la iska horkeeno.

“Waxaa ay leedahay dowladda federaalka ah Axmed Madoobe wax taageersan marabno, qaab nuuaas ah ayeey u soo celisay, labadii maamul ee lasoo magaaabey oo mid ka mid ah uusan sharci aheyn iyo midkii oo la doonaayo in degmada la iskaga horkeeno ayaa hadda halkaan ka jira” ayuu yiri Suldaan Hiiroow

Dhanka kale Suldaan Hiiroow ayaa xusay in wasaaradda arrimaha gudaha aysan xaq u laheyn maamul degmo ama mid gobal in ay soo magacowdo, waxaana uu sheegay in arrintaas ay leedahay dowlad gobaleedka maadaama dalka uu yahay federal.

“ Wadanku waa nidaam federal ah nidaamkaas federalka ah wixii degmo ah iyo gobal ah magacaabistiisa dowlad gobaleedka ayaa iska leh, dowladda federal ama wasaaradda arrimaha ma soo magacaabi karto guddoomiye oo dowlad gobaleed ah ma soo magacaabi karto, ayadoo u jeedadu tahay Axmed Madoobe ayaan la dagaalameynaa ayey dowladdu waxaan sharci aheyn ku qasabtay meeshaan ayuu yiri”

Ugu dambeyn Suldaan Hiiroow Cismaan  ayaa ugu baaqay dowladda federal ah in faregalinta ay ka deyso degmada Baardheere  si horay ay ugu soco loona helo maamul u adeega dadka deegaanka.

Suldaan oo arrintaasi ka hadalaya “Waxaan leenahay halaga daayo faragelinta oo dhibaatada dowladda federaalka haka deyso  dadka walaalaha ah ee degan degmadaan , Baardheere waa degmo barwaaqo ah oo beero iyo xoolalo leh oo waxaa ay ka mid tahay meelaha ugu barwaaqada badan dalka, dowladdu dadkaas waxna ma ay tarin mashaariicna kama aay fulin haddii aysan wax tareen haka deyso faragelinta ayuu yiri Suldaanka”.

Dowladda federaalka ah oo dagaal kula jirta maamulka Jubbaland ayaa la sheegayaa iney hub iyo ciidan geysay Gedo, taasi oo dadka ka dhexabuurtay kalsooni-darro iyo cabsi laga qabo iskudhac beesha Mareexaan dhexdeeda ah.

Goobjoog News