U bood dhigaalka

Gedo: Waxgarad Sheegay In Dowladda Federaalka Iyo Jubbaland Aaney Waxbo Ka Qaban Abaaraha

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan gobolka Gedo ayaa ku eedeeyey dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland in aaney waxbo ka qaban xaaladda abaareed ee ka taagan gobolkaasi.

Aadan Cismaan Boorow oo kamid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in xoolihiisa intii badneyd ay u dhammaadeen harraad iyo Gaajo, islamarkaana hadda aanu haysan wax uu nolosha ku celiyo.

Waxa uu tilmaamay in degmada Baardheere uu dhowaan yimid, islamarkaana uu muddo Shan maalin ah lasoo lugeynayey 9 carruur ah iyo hooyadood.

Degmada Baardheere ayuu sheegay inuu usoo raadsadeen biyo iyo baad, basle aanu arag cid wax u qabata, isaga oo sheegay in weli dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland aaney waxbo ka qaban abaarta.

Nabadoon Aadan ayaa ugu baaqay hay’adaha Samofalka ah iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya in gurmad degdeg ah la gaaraan dadka uu isaga kamidka yahay, wuxuuna sheegay in haddii xaaladdu sidan sii ahaato ay aad uga sii dari doonto.

Goobjoog News