Geelle Oo Soo Dhoweeyey Dabeysha Nabadeed Ee Geeska Afrika

Kadib booqashada wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea ee dalka Djibouti iyo dhex-dhexaadinta ay wadeen, waxaa la sheegayaa in Djibouti ay arrinkaasi si fiican u soo dhoweysay.

Colaadda Labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eretrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera iyo jaziirad ayaa la filayaa in is-afgarad arrinkaasi laga gaaro.

Wasiirrada  arrimaha dibedda ee halkaasi tagay waxaa ay sheegeen in madaxweyne Geelle uu soo dhoweeyey dadaalka la wado, isaga oo dhankiisa balan-qaadey inuu wada hadal iyo gor-gortan diyaar u yahay.

Cusmaan Saalix, wasiirka arrimaha dibadda Eretrea  waxaa uu sheegay in madaxweynaha u Djibouti gaarsiiyey salaanta madaxweynaha Eretrea iyo dhambaalka ah in dabeysha nabadeed ee ka socoto geeska Afrika in lagu soo daro Djibouti.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW