U bood dhigaalka

Geerida Bush Kadib, Akhriso Sida uu u Hoggaamiyey Howl-galkii UNITAF Ee “Rajo Soo Celinta” Soomaaliya

Sheeko:Dalka

George H.W. Bush, oo ahaa madaxweynihii 41aad ee Mareykanka inta u dhaxeysay January 20, 1989 – January 20, 1993 ayaa ku geeriyooday da’da 94 jirka.

Bush-ka aabaha ah, waxaa uu Mareykanka ka dhigay dalka ugu awoodda badan dunida, isaga oo goobjoog u ahaa burburkii darbigii Berlin, jabkii Saddaam Xuseen ee dagaalkii Saxaraha ee looga xureeyey dalka Kuwait iyo burburkii midowgii Soviet.

Doorashadii  George W. Bush loo doortay madaxweynaha 43aad ee Mareykanka 2000, waxaa uu noqday aabihii 2aad oo wiilkiisa uu madax noqodon, waxaa uga horeeyey John Adams iyo John Quincy Adams.

Dhinaca kale, George H.W. Bush waxaa uu qeyb ka yahaya Taariikhda Soomaaliya isaga oo 1992-dii, xilli dalka ay ka jireen dagaallo sokeeye iyo abaar, Soomaaliya keenay ciidamada Mareykanka si ay hormuud uga noqdaan howlgalkii “rajo soo celinta”, howl-galkaas waxaa uu daba socday kadib markii Dec 3, 1992 – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu go’aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidamo hubaysan oo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanku iyada oo December 9 isla sanadkaan ay Muqdisho soo gaareen ciidamada badda Mareykanka.

Ciidamada oo loo yaqaano UNITAF ama  (UNOSOM I) waxaa ay Mareykanku lahaayeen 25,000 halka ciidamada guud ahaan ahaayeen ilaa 37,000.

Dalalka Mareykanka ku wehliyey howl-galka  UNITAF waxaa ka mid ahaa: Australia, Bangladesh, Belgium, Botswana, Canada, Egypt, Ethiopia, France, Germany, Greece, India, Ireland, Italy, Kuwait, Morocco, New Zealand, Nigeria, Norway, Pakistan, Saudi Arabia, Spain, Sweden, Tunisia, Turkey, United Arab Emirates, the United Kingdom iyo Zimbabwe. inta ciidamadan aan loo badalin (UNOSOM II) March 1993-dii, markii hore howl-galkoodu waxaa uu ku koobnaa inay ilaaliyaan howlaha banii’aadnimada.

Waxaa xusid mudan in madaxweynaha Bush uu yimid Soomaaliya December 31, 1992, isaga oo Baydhabo gaaray January 1, 1993-dii, muddada uu joogay wuxuu uu Muqdisho iyo Baydhaba ku booqday meelaha dhibaateysan, waxaa aad loogu xusuustaa inuu Soomaaliya ka badbaadiyey abaartii “cago-bararka”, taas oo dad badan dishay, howl-galkiisa waxaa lagu helay macaawino dadka iyo dalka wada gaartay.

Markii uu Soomaaliya yimid kadib 19 maalin, waxaa xilka kala wareegay Bill Clinton, waxaana aad u xumaaday xiriirka hoggaamiyihii SNA  Gen. Maxamed Faarax Caydiid iyo Mareykanka, tii keentay inay isku dhacaan.

October 3, 1993: Ciidamada sida gaarka u tabobaran ee Maraykanka ee loo yaqaano Rangers iyo Delta Force ayaa isku dayey in ay qabtaan Jeneraal Maxamed Farax Caydiid kaasi oo la tuhunsanaa in uu ku suganyahay  Hotel Olympic ee xaafadda Howl-wadaag, balse dagaal halkaas ku dhex maray ciidamada Mareykanka iyo Caydiid, Mareykanka waxaa laga dilay 18 askari iyo in ka badan 70 halkaas ayaa lagu dhaawacay, Soomaalida waxaa la qiyaasaa in 500 ku dhinteen, halka  1,000 ka badana ku dhaawacmeen.

Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya  1994-kii bilo kadib markii 18 askari looga dilay dagaal dhex maray Mareykanka iyo Caydiid, waxa kale oo uu Maraykanka dalka kala baxay safiirkii u fadhiyey Soomaaliya Roberth Oakley.

Goobjoog News