U bood dhigaalka

Gen. Indho-Qarshe: Dagaalka Guriceel Wada hadal ayaa Xalka u arkaa, Mana Taageerayo Dagaal

Sheeko:Amniga

Taliyihii hore Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya General Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe oo isaga oo ku sugan caasimadda Muqdisho ka hadlay dagaalka Guriceel ayaa ku baaqay wada hadal, isaga oo intaa raaciyey in aanu dagaal xal u arkin, dhiirigeliney isla markaana uu ku baaqay wada hadal iyo nabad.

“Aniga dagaal ma dhiirigelinayo maraba, mana taageerayo wax aan wada hadal aheyn” ayuu yiri Gen. Indho Qarshe.

Gen. Daahir oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa dhanka kale mar uu ka hadlayey arrin ay dadka qaar sheegeen inuu Dhuusamareeb tagayo kuna biirayo dagaalka Guriceel waxaa uu sheegay in taasi tahay been-abuur aan waxba ka jirin“ Dagaal shacabka Soomaaliyeed dhexdiisa ah weligey horay ugama qeyb gelin, haddana dib ugu qeyb geli doono”.

Taliyey Daahir Indho-Qarshe oo hadda musharax Xildhibaan golaha shacabka waxaa halyey qeyb ka ahaa hoggaamiyeyaashii dagaalkii xoreynta Soomaali Galbeed ee 77, waxaa madax kasoo noqday qeybo kala duwan oo ka tirsan hoggaanka xoogga dalka.