U bood dhigaalka

General Subxaanyo Oo Muqdisho Ku Geeriyooday

Sheeko:Amniga

Allaah U Naxariisto waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliya Gen Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo)  .

Subxaanyo ayaa muddooyinkii u dambeyay ku xanuun sanayay magaalada Muqdisho, iyadoo saaka uu u geeriyooday xanuunkii hayay taliyaha .

Gen. Subxaanyo ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay taliska ciidamada Asluubta isagoo soo noqday taliyihii ciidamada Asluubta .

Dhanka kale madaxda dalka ayaa ka tacsiyadeeysay geerida ku timid Taliye Cabduqadir Subxaanyo oo Muqdisho ku geeriyooday .

Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Taliya Subxaanyo.

“Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyo General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ahaa ruug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo iyo geesinimo leh. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo Qaranka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha .

Akhriso Taarikhda General Subxaanyo 

General Cabdulqaadir Cali Diiriye (subxaanyo) Waxa uu ku dhashay magaalada Baladwayn ee xarunta gobolka hiiraan 1952dii.
Waxa uu dugsiga dhexe ku dhamaystay baladweyne.
Waxa uu dhamaystay dugsiga sare ee Sheekh Xassan Barsame ee Muqdisho oo markaas lagu dhiganayay luuqadda Talyaaniga(1970-1971).
1972 waxa uu galay kulyida millateriga general Daud millatery academy oo ku taallay magaalada kismaayo, Kadibna wuxuu aaday 1975 dalki midowga soofiyeeti oo uu kasoo dhigtay kuliyadda milatiriga ee linin ee magaalada Moskow oo lagu barto culuunta siyaasadda iyo arimaha millateriga.
1977 wuxuu ku soo laabtay dalka waana markii uu dhamaaday xiriirkii uu dalku la lahaa dalkii midowga sofiyeti
wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii 77kii waxa uuna ku muteystay billad geesi qalin ah.
dhamaadkii dagaalka 77kii waxaa loo diray dalka Germany oo uu ku maqnaa 78kii ilaa 84kii oo uu soo qaatay shahaadada Msc Mechanical Engineering, jaamacadda Rostok ee dalka Germany.
wuxuu dalka kusoo laabtay 85tii waxa uuna jagooyin kala duwan ka soo qabtay ciddanka Asluubta, waxa uu madax Ka noqday hogaanka siyaasada ee ciidanka asluubta iyo kan gaadiidka iyo isgaarsiinta.
Kadib markii uu dalku burburka galay waxa uu jananku aad ula shaqeeyay hay’ado samafal, sidoo kale waxa uu madax ka noqday gudigii Culaysaarka(Pressure Group) oo Shaqadoodu ahayd dhaxdhaxaadinta hogaamiyayaashii kooxaha koonfurta soomaaliya.
Waxa uu la taliye u ahaa dhamaan dowladihii ku mel gaarka ahaa ee dalka soo maray General Subxaanyo waxa uu ku soo noolaaday wadamada England Holand iyo Ruushka, waxa uuna si wanaagsan ugu hadlaa luuqadaha carabiga, jarmalka, ruushka, ingiriiska, holandiiska, talyaaniga iyo soomaaliga.

Goobjoog News