U bood dhigaalka

General Xuud iyo Ciidamada DG Hirshabeelle Oo Ku Dagaalamay Baladweyne

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka hiiraan ayaa sheegaya in saaka uu halkaas ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlad gobaleedka Hirshabeelle iyo Gen Xuud .

Dagaalka ayaa bilawday xaafado ka tirsan magaalada oo ay gudaha u soo galeen ciidamo ka amar qaata Gen Abuukar Xuud oo ka hor yimid doorashadii dhawaan ka dhacday maamulka Hirshabeelle.

Ila iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, wararka ayaaana sheegaya in dagaalkan uu bilawday xalay xilli dambe oo xaafada ka tirsan magaalada ay soo weerareen ciidamada Gen Xuud.

Magaalada baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxaa ku sugan xubna ka tirsan golaha wasiirada dowlad gobaleedka Hirshabeelle iyo madaxweyne ku-xigeenka hirshabeelle Yuusuf Dabageed.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobaleedka hirshabeelle Yuusuf Hagar Dabageed uu sheegay in markii ugu horeysay tan iyo markii la doortay shirka golaha wasiirada uu ka dhici doono magaalada Baladweyne.

Hadalka ka soo baxay madaxweyne ku-xigeenka ayaa la sheegay in ay ka hor yimideen Gen. Xuud iyo ciidamadiisa.

Maanta ayaa lagu wadaa in shirka golaha wasiirada dowlad gobaleedka Hirshabeelle uu ka furmo magaalada Baladweyne .

Xaaladda guud ee magaalada ayaa hadda dagan, kadib dagaalkii saaka, wararka ayaana sheegaya in ay socoto qaban qabada shirka golaha wasiirada Hirshabeelle.

Goobjoog News