U bood dhigaalka

Geneva: Shir Ku Saabsan Yeman Oo Maanta Ka Dhacaya

Sheeko:Dalka

Magaalada Geneva ayaa maant lagu qabanayaa shir looga hadlayo gargaarka Yeman, waxaana la filayaa in ka soo qeb-galayaasha ay ugu yaboohaan Yeman kaalmooyin bani’aadannimo, xilli dalkaasi ay ka taagantahay xaalad bani’aadanimo tii ugu xumeyd.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galaya xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres kaasi oo ka soo duulaya magaalada New York si uu uga qeygalo shirka arimaha Yeman looga hadlayo, sidoo kale waxaa la filayaa in uu kulamo gaar ah uu la qaato ka soo qeybgalayaasha caalamiga ah

Sida ay sheegeen hay’adaha caalamiga ah 75% dadka reer Yeman in ka badan 22 Milyan oo qof aya u baahan kaalmooyin bani’aadanimo iyo daryeel caafimaad.

Ku dhowaad 17.8 Milyan ee ku ool gudaha Yeman ayaanan heysan wax ay cunaan 3 Milyan oo ka mida ah dadkaas waa caruur.

Hay’adaha ka shaqeeya dhanka bani’aadanimada ayaa waxaa ay ku baaqayaan in la helo 2.96 bilyan oo doolar si wax loogu qabto in ka badan 13 Milyan oo qof kuwaas oo ku nool daafaha Yeman.

Goobjoog News