U bood dhigaalka

Ghana: Asamoah Gyan  Oo Sheegaya In Goolkii Ugu Fiicnaa Abid Uu Ka Dhaliyay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Kabtanka kooxda xukla qaranka ee Ghana Asamoah Gyan  ayaa sheegaya in goolkii ugu fiicnaa noloshiisa ka dhaliyay Soomaaliya 2003,  kulankaas oo sidoo kale ahaa markii ugu horeysay uu u safto xulka Qaranka Ghana.

Asamoah Gyan   ayaa la sheegayaa in uu bareejeeyay gool-dhinta ciyaaraha caalamiga recordka ciyaaryahannada Robin Van Persie iyo Edin Dzeko oo dhammaantood waxaa ay dhaliyeen min 50 gool.

Gyan, oo hadda qaab ammaah ah ugu jooga kooxda Imaaraadka ee  Shabab Al-Ahli ee ka dhisan magaalada Dubai, ayaa sheegay in goolal badan dhaliyay balse goolkii ugu fiicnaa noloshiisa uu ka dhaliyay Soomaaliya .

“Goolal badan oo fiican ayaan dhaliyay oo cid walba og tahay, laakin waxaan dhihi karaa goolka aan ka dhaliyay Soomaaliya 2003-dii, waa gool xusuus leh, waa markii ugu horeysay ee dalkeyga aan u safto heer qaran” sidaasi waxaa yiri Gyan.

Gyan waxaa uu axaddii goolkiisii 50-naad ee heer qaran ka dhaliyay dalka Itoobiya, waxaa uu dalkiisa heer qaran u saftay 103 kulan, ninkan sidoo kale 2006-dii waxaa uu koobka adduunka ka dhaliyay 6 gool, waa laacibkii ugu horeeyay ee Afrikaan ah oo sidaasi sameeya.

Goobjoog News