U bood dhigaalka

Giriigga: Muwaadin Soomaaliyeed oo Badbaadiyey 31 Qof oo Sharci Darro Loogu Xukumay 142 sano

Sheeko:Amniga

Maxkamad ku taalo dalka Giriigga ayaa sifo sharci darro ah waxaa ay  xukun dhan 142 sano ku riday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Hanad Cabdi Maxamed, kaas oo ahaa tahriibe  badbaadiyey 31 qof.

Hanad iyo 32 kale oo Soomaali ah, oo tagay dalka Turkiga ayaa waxaa doonta uga booday ninkii waday oo Turki ahaa, taasi oo keentay in uu isagu(Hanad) wado, laakin markii ay ciidanku babaadiyeen ayaa halkii loogu mahadcelin lahaa badbaadinta dadka, waxaa lagu eedeeyey in uu kabtanka naaquudaha ahaa, waxaana lagu xukumay 142 sano oo xabsi ah.

Haddaba, Goobjoog News ayaa lasoo xiriiray isaga oo sharaxay sida ay wax u dhaceen, waxaa kale oo uu umadda Soomaaliyeed iyo hey’adaha kala duwan ka dalbaday caawinaad.

Hanad Cabdi, ayaa ka bilaabay waxa lagu heysto isaga oo yir “ Magaceygu waa  Hanad Cabdi Maxamed, waxaan kaala soo xiriiraa xabsi ku yaalo jaziirad ku taalo Guriiga, waxaa la ii heystaa dambiyo la iigu soo eedeeyey, oo u xinahay oo ka mid ah in aan dalka sharci darro ku imid iyo in aan dad sharci darro ku keenay, dadkii aan wada soconay qof loo heysto ma jirto, midda kale waxaa la iigu soo eedeeyey in aan dad sharci darro ku keenay, aniga awoodaas ma lihi oo dad soo musaafuriyo, oo aan dal kale usoo gudbiyo”.

Sidee laguu xukumay mar aan weydiinay waxaa uu ku jawaabay “Maxkamaddaasi,   sanadii lasoo dhaafay bishii 5-aad, ayaan maxkamad hor tagay, maxkamaddaasi cadaalad darro ayaa la iigu xukumay, 142 sano ayaa la iigu xukumay, mana aha xukun qof muhaajir ah lagu xukumi karo”.

Hanad Cabdi oo faahfaahin ka bixiyey sida ay ku tahriibeen ayaa waxaa uu yiri “ Safarkeena haddii aan wax kaaga sheego, bishii 12-aad kowdeedii ayaan waxaan kasoo safarnay Turkiga, …waxay ahaayeen dadka na rarayey Turki, doon yar oo na qaadey ayey 33 qof nagu soo saareen, nin Turki ah ayaa kabtan ka ahaa, sidan u soconay telefan ayaa usoo dhacay, nimankii kale ayaa la hadlay waxay u sheegeen in Markab soo dhowaaday, ninkii waxaa uu bilaabay in bahasha ka boodo iyada oo socoto, aniga waxaan isku dayey in nafteena iyo dadkii nala socday aan badbaadinno, waxaan isku dayey inaan wado, aqoon hore uma laheyn, 20 daqiiqo camal marka aan waday matoorkii ayaa naga damay, badda waa ay ka casadeen, madow ayaa jiray, ……xoogaa kadib Markab ayaa noo yimid, mana badbaadine sida uu noogu dul wareegaayey ayaa biyo noo soo galeen, waxyar kadib waxaa noo yimid ciidan Giriig ah, nasoo badbaadiyey, xargo ayaa nalosoo tuuray, marka ay doon kale na saareen, oo dadka la tiriyey ayaan ogaanay in labo gabar naga maqan yihiin, oo halkaas ku dhinteen “

Hanad waxaa uu sheegay in dad ka socodo Midowga Yurub iyo jariiradda afka dheer ee Newyork Times ugu yimaadeen xabsiga bishii November ee sanadkii hore isaga oo intaa ku daray “Maxkamadeyda 2-aad waxaa ay ku aadan tahay, jaanis ugu dambeeyo aan leeyahay 2023-ka bisha koowaad, waxay ii sheegeen in qareen ii keenayaan, oo awood kale laheyn, ducada ha la iigu soo kaalmeeyo, bulshada Soomaaliyeed ee Yurub ha I caawiyeen, oo safaaradaha Giriiga ay u soo diraan warqado”.

Hanad Maxamed waxaa ay dhibaato badan ku heysataa xabsiga, waxaa uuna shacabka Somaaliyeed iyo hey’adaha kala duwan ka dalbaday gacan qabasho.

Goobjoog News