U bood dhigaalka

Go’aanka Maareeye Kadib, 10 Shuruud oo Hortagan in Laga Guuro Warbaahin Qaran oo Loo Guuro Mid Dadweyne

Sheeko:Amniga

Inkasta oo wasiirka warfaafinta ee DF Maxamed Cabdi Xayir Maareeya uu talaadadii daahfuray  hirgelinta adeegga warbaahinta dadweynaha, isla markaana lagu dhawaaqay in warbaahintii qaranka la dhihi jiray hadda kadib adeegeedii la badalay, hadana wax sahlan ma aha taallaabo ay warbaahin uga guurto mid dowladda ay maamusho “State media” oo siyasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo tifaftirba ay  gacmaha kula jirto, oo ay noqoto warbaahinta dadweynaha “Public Broadcasting Service (PBS)” oo maalgelin, hagid ama tifaftirkeeda aaney maamulka dowladda shaqo ku laheyn, shacabuna leeyihiin.

Haddii ay talaabadaas dhab ka tahay, oo dowladda federaalka ah ay dooneyso warbaahin shacabka u adeegta, lalana xisaabtami karo, shaqada laga rabo waxaa ugu muhiimsan iney ka shaqeyso midnimada iyo bedqabka dadka, dhulka iyo diinta, ineysan lacag qaadin ama ribix ka shaqeyn,  qaranka oo dhan u sinnaadaan, oo lahaanshiyo dareemaan, in dunida afaf kala duwan kula hadasho oo sawir sax ah gudbiso, iney dhexdhexaad ka noqoto siyaasadda iyo arrimaha ka socda gudaha dalka, iney soo saarto barnaamijyo u gaar ah gobol, isir ama nooc dad oo gaar ah, soona saaraan barnaajiyo u gaar ah caruurta,  isla markaana ay dhiirigeliyaan xorriyadda iyo dhammaan dhaqannada wanaagsan.

Waa iney si joogtada ah u soo daaraan barnaamijyo kala duwan sida cayaaraha, documentary, riwaayado oo wacyigelin ah isla markaana ay dhiirigeliyaan ganacsiga, wax soo saarka iyo isu furfurnaanta iyo isu socodka bulshada iyo xoojinta walaaltinimada.

Marka intaas laga soo garo, hoos ka akhriso 10 sharuud oo ku xiran in warbaahinta ay ka guurto warbaahin qaran ama mid ay dowladda maamusho oo ay u guurto mid dadweyne

  1. In adeegga warbaahineed uu noqdaa lacag la’aan xilli walba iyo xaalad walba ama waxa loo yaqaano“Free to air and free at the point of use”.
  2. Hey’addan wabaahinta dadweynaha share ma geli karo, saamiyo qeyb kama noqon karto, xayeysiin ama lacag kale ma qaadi karo ama xataa ma sameyn karto ribix nooca uu rabo ha ahaado.
  3. Waa in koox walba oo bulshada ka tirsan ay u soo daayaan barnaamijyo u gaar ah, waxaa ka mid ah caruurta, da’da, macalimiinta, ardeyda, cubtada,
  4. Warbaahin ka hadasha mawduucyo gaar ah sida xorriyadda, hijrada iyo arrimaha ay danta ugu jirto bulshada.
  5. Waxaa kale uu qasab uga dhigayaa sharciga saxaafadda in ay dadka usii daayaan barnaamijyo ka hadla wargelin, dhaqanka, waxbarashada iyo madadaallada.
  6. Maamulka hey’addan ma qaadan karo lacag aan aheyn mushaar, kumana takrifalo karo hantidaas dadweynaha.
  7. Waa ka mamnuuc ah iney taageeraan murashax tartamaya, ma xayeysiin karaan qof, hey’ad ama fikrad, mana soo bandhigi karaan barnaamij xisbi, mana taageeri karaan ama u xagli karaa qof, koox ama fikrad gaar ah iyaga oo masaafo isku mid ah u jirsanaya siyaasiyiinta iyo bulshada qeybaheeda.
  8. Sanad walba waa iney xisaab celin joogta ah sameeyaan, oo la ogyahay waxa soo galay iyo wax ka baxay hey’ad ahaan.
  9. Marka laga soo tago in sanad walba ay soo gudbiyaan xisaab xirka hey’adda hadana waxaa si joogta ah u kormeeraya hanti dhowrka, hey’adaha sharci dejinta iyo guddi loo saaray, waana in la ogyahay hantiga guurta iyo ma guurtada ah ee hey’adda
  10. In wasaaradda warfafinta la baabi’iyo oo guddi gaar ah maamulaan, kana madaxbannaan fulinta iyo hey’adaha dowladda federaalka ah.

Haddaba, inta aan gaarin hirgelinta warbaahin dadweyne, waa in la hubiyo dhammaan shuruudahaas oo la la’aantood aaney suurogal aheyn waxa loo yaqaano warbaahinta dadweynaha “Public Broadcasting Service (PBS)”.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,