U bood dhigaalka

Gobalka Hiiraan:Deegaanka Booco oo lagala wareegay ururka alshabaab

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ay lawaregeen deegaanka Booco oo kamid ah deegganada ay mudada dheer alshabaab ka talinayeen.

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, ayaa xaqiijiyay in ay dagaal alshabaab kala waregeeen deegaanka Booco oo qiyaastii 45-km dhanka Koonfur bari ka xiga magaalada Baladweyne.

Ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay maxkamad ay ururka meesha ku lahaayeen iyo fariisimahoodii, waxaana deegaanka ay kooxda ku sugnayd mudda dhowr sano ah.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada dowladda iyo shacabka oo iskaashanaya ay ururka alshabaab ay ka saareen deegaanno fara badan oo hoostaga gobalka Hiiraan.

Goobjoog News