U bood dhigaalka

Gobalka Nugaal Oo Laga Mamnuucay In Lagu Qabto Shirarka Looga Hadlayo Hiigsiga 2016

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Nugaal ee Puntland ayaa sheegay in guud ahaan gobalkaasi laga mamnuucay in lagu qabto shirar looga hadlayo Hiigsiga 2016, illaa kuwa maamulka uu fasaxo.

Gudoomiyaha gobalkaasi Cumar Cabdullaahi Faroole oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in maalmahani dambe ay magaaladaasi kusoo bateen siyaasiyiin sheegaya in ay ka tashanayaan arrimaha Hiigsiga 2016, sidoo kalena ay doonayaan in ay taladooda Muqdisho usoo gudbiyaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciddii isku dayda in dadkeena afduubto oo hadba qolo luuq la gasho oo Kaamirad wax kaga duubto, yiraahdaan waxaan u soconnaa 4.5, hiigsiga 2016 maanta wixii ka dambeeya ma ogolin, waxaan ku baaqayaa in laga feejignaado, waxaan u sheegayaa in shirarkaasi aan lagu qaban karin gobalka Nugaal” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobalka Nugaal ayaa ugu baaqay milkiilayaasha Hoteelada ku yaalla gobalkaasi in aysan aqbalin shirar aan maamulka la socon in lagu qabto Hoteeladooda.

Hadalkani ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay magaalada Garoowe ay ku shirayeen siyaasiyiin ka aragti dhiibanaya Hiigsiga 2016-ka iyo sida loo maareen karo.

Goobjoog News