U bood dhigaalka

Gobalka Shabeelaha Hoose Oo Laga Bilaabayo Dib u Heshiisiin (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

hooseMaamulka Gobalka Shabeelah hoose ayaa sheegay in deeganada gobalkaasi dhawaan laga bilaabayo dib u heshiisiin dadka halkaasi wada dega ah.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka maamulkaasi Cali Nuure oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in dhawaan ay qorsheynayaa qabashada shir balaaran oo lagu heshiisiinayo cid walba oo wax kala tabanaysa kuna dhaqan gobalkaasi.

Gogashaan ayuu sheegay in uu fidinayo maamulka Koonfur Galbeed, si meesha looga saaro colaada iyo dagaaladii dhawaan halkaasi ka dhacay.

Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in gobalkaasi laga bilaabi doono howlgalo amniga wax looga qabanayo, iyo sidoo kale in ay la dagaalamaan Al-shabaab.

Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa horyaala shaqooyin badan oo ay ugu horeyso in ay wax ka qabtaan dagaal beeleedyo dhawaan ka dhacay halkaasi iyo arimo kale oo amniga quseeya.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News