U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir Oo Dalbanaya In 25% Laga Siiyo Dakhliga Dekadda Xamar

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed oo maanta ka qeyb-galay shirka golaha wasiirrada ayaa ka codsaday in kor loo qaado dakhliga ay gobolka ka helaan dekadda Xamar.

thabit

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa Golaha Wasiirada sidoo kale siiyey warbixin ku aadan horumarka 100kii maalmood ee Maamulka Gobolka uu ku tallaabsaday sida xasilinta amniga, nadaafada, dhismaha waddooyinka sida 30ka, Xawo Casir, awood-siinta dumarka, dhiirigelinta dhalinyarada, is-dhexgalka bulshada, daahfurka aragtiwadaaga Maqaamka Muqdisho iyo arrimo kale. Golaha Wasiirada ayaa Guddoomiye Taabit ku ammaanay dadaalkiisa una ballanqaaday wadashaqeyn buuxda oo dhanwalba ah.

Goobjoog News