U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir Oo Ganaaxi Doona Guryaha Iyo Xarumaha Ganacsi Ee Qashinka Lagu Hor Arko

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in lacag ay ku ganaaxi doonaan qof walbo oo gurigeeda ama xarunteeda ganacsi lagu hor arko qashin wixii ka bilawda 1-da September 2017.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maluuka Dheere Sheekh C/qaadir oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo nadaafadda guud ee gobolka Banaadir.

Waxay sheegtay guddoomiye ku xigeenka in Muqdisho ay tahay caasimadda dalka, loona baahan yahay in bilicdeeda laga shaqeeyo.

Laga bilaabo September 1-deeda waxaan bilaabi doonnaa inaan ganaaxno meesha aan qashinka ku aragno, haddii ay tahay goob ganacsi ama goob deegaan, waxaan u sheegeynaa bulshada iney qashinka iska ilaaliyaan, nagala shaqeeyaan sidii bilicda magaaladan loo soo celin lahaa, waxaan dhammaan bulshada ka codsaneynaa iney nagala shaqeeyaan mar walbo nafaadadda”

Meelaha qaar ee magaalada Muqdisho waxaa lagu arkaa mararka qaar qashin badan oo ay soo dhigaan dadka shacabka ah, iyadoo aanay jirin is xilqaan ku aadan in nadaafadda guud laga wada shaqeeyo.

Goobjoog News