U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir oo Saxiixday Mashruuc Lagu Caawinayo Dadka Danta Yar Ee Ku Nool Caasimadda

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Sadiiq Xirsi warfaa ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka danta yer ee ku nool caasimadda.

Ka dib kulan ay ku yeesheen Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ayay kula kala saxiixdeen labada masuul.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa oo duqa Muqdisho ku soo dhaweeyay xafiiskiisa ayaa sheegay in Mashruucan la soo marsiiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, uu maanta ku wareejiyay maamulka gobalka Banaadir si loogu taakuleeyo dadka  nugul ee ku nool gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka mahadceliyay soo dhaweenta wasiirka ayaa sheegay in mashruucan wasaaradda ku wareejisay ay ku wareejin doonaan dadkii loogu talagalay si looga faa’iideyo.

Goobjoog News