U bood dhigaalka

Godinlabe: 22 jir Guursaday Haweenay 52 Jir Ah!!

Sheeko:Caafimaadka

Arooska Soomaalida caado ahaan waxaa is guursada gayaanada is calmada ee isku dhigma da’ ahaan,   laakiin arooskan ka dhacey deegaanka Godinlaba waxa uu ahaa aroos ka duwan aroosyadii lagu arki jiray gudaha dadka Soomaalida, maadama ay aroosaddu arooska ka weyn ku dhawaad soddon sanno, dadka Soomaalida dhaxdooda nadir ka ahaa inuu guursado Caruuska Haween aad uga da’ weyn.

Waxa uu ahaa aroos ku soo dhamaaday guul iyo baraare kana dhacay Degmada Godinlabe bartamaha Dalka ee Gobalka Galgaduud, waxa ayna dadka deegaanka ay ku tilmaameen inuu ahaa arooskii  qarniga ee ka dhacay gayiga Soomaalida.

Faysal Daahir iyo Barni Cali xiriirkoodu ma’aanuu ahayn mid aad umuuqanayay maadaama gobalka iyo dhalinta asaagiisa uu aad ugu xishoonayay laakiin horay ayaa loo dhahay qufac iyo jecelkaba lama qarinkaraayo ee marqura ayay soo ifbaxaan, inay dhalinta deegaankana isla qaadeen in  fasal iyo barni yihiin lamaane ku nool deegaanka aadna isu jecel doonayana iney is-guursadaan.

Faysal ayaa ah wiil 22 sano jira halka Barni Cali ay jirto 52sano, waxa uu ahaa  aroos gilgilay Deegaanka hadalhayn ka abuuray baraha bulshada ee dadku kuwada xariiraan Gayiga Soomaalida

Sabtidii, 15 Decembar 2018-ka waxaa Deegaanka Godinlabe loo dareeray munaasabadda arooska Faysal iyo Barni oo ahaa lamanihii qarniga ee ugu hadalhaynta badnaa, waa sida ay tilmaameen dadka deegaanka ee ka soo qeybgalay arooska waxaa la arkayay in dhalinta ku nool Degaanka Ay midmid ugu tagayeen arooska oo marna layaab ku ahaa, xilli kalena uu saaxiibkood aqalgalkiisa ay u riyaaqayeen.

Cabdi Naasir Cali waxa uu ka mid yahay ehellada Faysal waxa uu ka hadlay sababa faysal ku ka liftay inuu guursado Barni oo ah haween aad uga da;weyn,  ayadoo uu heli karay gabdho filkiisa ah oo kula noolaa deegaanka.

“Majiraan cid kuu  qasabtay ayaga ayaa sheekeestay isna jeclaaday go’aansadayna iney is-guursadaan run ahaantii waxa kaliya oo aan sheegi karaa Faysal bilowgii bisha Decembar ayuu nagu wargeliyay inuu jecelyay Barni uuna doonayo inuu guursado haddii uuna helina ayna jirin gabar uu doonayo inuu guursado aniga Cabdinaasir ahaan aad ayaan ula yaabay markii uu ii sheegay inuu guursano barni lakiin waxaan isku qanciyay in walaalkay uu leeyahay dookh loona daayo dookhiisa oo loo tixgaliyo

Sidoo kale Cabdi Naasir waxa uu tilmamay in haweentu ay ku nooleyd deegaanka weligeedna uusan ku arag ama aysa usheegin iney jeceshahay ama ay rabto wiilka asaga ladhashay waxa ay qariyeen jecelkooda ilaaxad

Arooska faysal Daahir iyo Barni ayaa noqday mid aad looga hadal hayo baraha bulshada, iyadoo dadka qaar ay tilmaamayaan in baryihii dambe aroos noocan oo kale ah aan lagu arkin gayiga

Goobjoog News