U bood dhigaalka

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo Kahor Yimid Muddo Kordhinta Farmaajo

Sheeko:Amniga

Kula aan rasmi aheyn oo golaha ammaanka ay ka yeesheen Soomaaliya talaadadii ayaa si aqlabiyad ah la isugu raacay diidmada muddo kordhinta uu ku dhufsaday Farmaajo.

Golaha oo dood dheer ka yeeshay arrimaha doorashada ayaa soo jeediyey in midowga Afrika uu kaalin ka qaato isu keenista kooxaha Soomaalida.

Boqortooyada UK oo ajendaha wadatay iyo Norway ayaa ahaa dalalkii ugu badnaa eek u adkeystay in lagu laabto September 17.

Saacado kahor kulanka waxaa ay qoraal u diray madasha badbaado qaran oo ku sheegtay in aaney aqoonsaneyn muddo kordhinta iyaga oo ku baaqay in lasoo dhexgalo iyaga iyo Farmaajo.

Farmaajo ayey kooxyar oo golaha shacabka 2 sano ugu dareen 12-kii bishan iyada oo ay iska diideen  maamul goboleedyada, madasha badbaado oo dhan ah iyo Mareykanka, Yurub, Afrika iyo guud ahaan dunida oo dhanka kale ah.

Goobjoog News