U bood dhigaalka

Golaha Amaanka: Madaxda Soomaalida Waa in Sida ugu Dhaqsiyaha Badan u Galaan Wada-Hadal Shuruud La,aan Ah

Sheeko:Amniga

Golaha amaanka ee Qaramada midoobay ayaa Arbacadii waxa uu walwal ka muujiyay ismari waaga ka jira Soomaaliya ee ku aaddan qabasha la,aanta doorashada, sidaasi waxaa sheegay diblumaasiyiin ka tirsan.

Arrintaan ayaa kus oo aadeysa ka dib markii uu dhamaaday muddo xileedka Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyadoo aanan lahaynin madaxweynihii badali lahaa oo ay ahayd in la doorto 8-dii Febaraayo.

Hadda ma jiro baarlamaan iyo madaxweyne dooran intaba.

Safiirka Mareyka gabadhha lagu magacaabo Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay in arrimahaan looga hadlay fadhi ay yeesheen 15-ka dal ee golaha amaanka.

Kulankaasi waxa ay sheegtay “in la booriyay dadaallada ay madaxda Soomaalidu ku bixinayaan heshiiska doorashada, balse waxa ay walaac ka muujiyeen ismari waaga taagan iyaga oo hoggaanka Soomaalida ugu baaqay inay galaan wadahadal wax ku ool ah sida ugu dhaqsuyaha badan iyada oo aan wax shuruud hordhac ah lala imaan si loo xaliyo dhibaatada taagan”.

Goobjoog News