U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka, Mareykanka Iyo Midowga Yurub Oo Dhaleeceeyay Qaraxii Naasahablood

Sheeko:Dalka

Golaha Ammaanka ayaa isniintii qoraal ay soo saareen ku dhaleeceeyay weerarkii Naasahablood iyagoo sheegay in loo baahan yahay in la qaado tilaabooyin arrinkaas looga hortagayo.

Golaha ammaanka ayaa ka tacsiyadeeday dadkii dowladda ka tirsanaa iyo rayidka ahaa ee qaraxa ku geeriyooday, iyagoo intaa ku daray in falalkaas aaney wax u dhimi doonin hanka loo hayo nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Dhanka kale, Dalka Mareykanka xafiiskiisa  howlgalka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale dhaleeceeyay qaraxii Naasahablood ee magaalada Muqdisho.

Mareykanka waxaa ay tacsi u direen dadkii uu ka geeriyooday qaraxa uu ka mid yahay wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha ee xagga Bey’ada Burci Xamsa.

Mareykanka ayaa ballan qaaday in ay dadka Soomaaliyeed, dowladda iyo AMISOM kala shaqeyn doonaan xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Waxaa isla qaraxaas cambaareeyay Midowga Yurub, kooxdan ayaa tacsi u dirtay dhamaan dadkii ku dhintay halkaas oo uu ku jiro wasiiru dowlaha Bey’ada Burci Xamza, iyagoo ku celiyay in ay sii wadayaan dadaallada lagu taageerayo hannaanka geedi socodka iyo nabadeynta Soomaaliya.

Goobjoog News