U bood dhigaalka

Golaha Amaanka oo soo Dhaweeyay Natiijada Madasha Doorashada 2016-ka

Sheeko:Dalka

Xubnaha golaha amaanka ayaa 28-kii bishan warbixin Soomaaliya ku saabsan ka dhageystay ergeyga gaarka ah ee Xogheyaha guud ee qaramada Midoobey Michael Keating iyo ergeyga Midowga Afrika ee Soomalaiya Francisco Madeira.

Labada nin ayaa golaha amaanka uga waramay xaaladda Soomaaliya, natiijada shirkii madasha iyo sida laga fili karo mustaqbalka Soomaaliya.

Golaha amaanka ayaa sidoo kale eegay in ciidamo horleh oo ka socda Afrika la keeno dalka Soomaaliya si ay u xoojiyaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Xubnaha golaha amaanka waxaa ay soo dhaweeyeen go’aankiisa ka soo baxay 27-ka bishan madashada wadatashiga qaran ee doorashooyinka 2016-ka.

Golaha waxaa uu ku amaanay dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo dhamaan Soomaaliya sida ay uga miro dhaliyeen dadaalka dhowrka bil socday ee hanaanka doorashada 2016-ka.

Golaha waxaa uu go’aankan ku tilmaamay mid Taariikhi ah oo wax weyn ka tari doona nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Golaha amaanta waxaa uu dhaleeceeyay falkii lagu dilay askar ka tirsan AMISOM kaas oo dhawaan ay dileen Al-shabaab.

Goobjoog News