Golaha Amaanka oo soo Saaray Qaraar Looga Hortagayo Kufsiga ay ku Kacaan Ciidamada Nabad Ilaalinta

Golaha amaanka ayaa jimcihii soo saaray qaraar looga hortagayo kufsiga sii kordhaya ee ay ku kacaan ciidamada nabad ilaalinta qaramada Midoobay.
Ciidamada nabad ilaalinta qaramada Midoobay ayaa lagu eedeeyay in ay kufsadaan carruurta, dalalka ay falalkaas ka dhaceen ayaa kala ahaa Congo iyo Afrikada dhexe.
Ururkan ayaa sheegaya in sanadkii 2015-ka ilaa 69 xaalad kufsi ay dhaceen, waxaa intaa dheer ilaa 25 dhacdo oo sanadkan horaantiisa dhacay.
Qaraarkan waxaa golaha horkeenay dalka Mareykanka, codeyntii qaraarka 14 dal ayaa qaraarka ogolaaday halka ay diiday Masar.
Qaraarka waxaa uu qeyb ka yahay qaabeynta ciidamada nabad ilaalinta ee uu damacsan yahay Ban Ki Moon, waxaa ku jira in Ciidanka la soo celiyo haddii dhibaatada lagu helo iyo xitaa in la bedelo.
Goobjoog News
Ttndtr esirbx over the counter cialis order cialis online
Qeyfvh onaymm generic cialis cialis online canada
Zotpwp cfqjac genaric viagra generic cialis india