U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Kordhiyay Waqtiga Xayiraadda Hubka Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaaray in xanibaaddii hubka ee  saarneyd wadamada Soomaaliya iyo Eretria lagu sii hayo, xanibaadaas hubka oo la saaray labada dal sanadkii 2009-kii waxaana qaraar kasoo baxay golaha ammaanka lagu sheegay in aan la gaarin waqtigii la qaadi lahaa xanibaadda hubka.

Golaha ammaanka ayaa sheegay in qatarta Al-shabaab ay tahay mid weli jirta iyadoo Al-shabaab ay dhibaato ku tahay nabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya iyo weli gobolka waa sida warbixinta lagu sheegaye.

Goluhu wuxuu carrabka ku adkeeyey ineysan cunaqabateyntu saameyn ku yeelaneyn hubka fudud ee Soomaaliya ay hesho iyo weliba tababarada ay helaan ciidamada dowlada federalka ee Soomaaliya si loo sugu ammaanka dadka Soomaaliyeed.

Golaha ayaa kordhiyay xayiraadda hubka saaran Soomaaliya illaa bisha November 2016.

Golaha ammaanku waxay welwel ka muujiyeen caqabadaha ku horgudban sidii gargaarka bini’aadannimo uu u gaari lahaa Soomaaliya goluhu wuxuu si adag u cambaareeyey cid kasta ee hortaagan gargaarka bini’aadanimo.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay isla soo qaadeen xanibaada saaran dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha Soomaaliya waxayna soo dhaweeyeen dadaallada ciidamada caalamiga ah badda ee lagu doonayo in looga hortago keenista iyo dhoofinta dhuxusha iyagoo sheegay in ka ganacsiga dhuxusha ay fursad dhaqaale ku heli karaan u tahay xarakada Al-shabaab.

Bishii October ee sanadkii 2014-kii ayaa golaha ammaanku meelmariyey qaraar ogolaanaya in baaritaan lagu sameeyo maraakiibta looga shakiyo iney sidaan dhuxusha Soomaaliya iyagoo arrintaasi ku macneeyey iney tahay tillaabo la doonayo in lagu adkeeyo xanibaada saaran dhoofinta dhuxusha Soomaaliya si looga hortago in Al-shabaab ay dhaqaale ka helaan dhoofinta dhuxusha.

Goobjoog News