U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Xayiraado Hor Leh Saaraya Waqooyiga Kuuriya

Sheeko:Dalka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan  tillaabooyin degdeg ah oo laga qaadayo dalka Waqooyiga Korea, kadib markii dalkaas uu Tijaabiyey gantaal nuuca hydrogen bombka ah.

Golaha ayaa aad u cambaareeyey tillaabada Pyongyang ay qaaday taas oo ay golahu sheegeen in ay si cad  ugu xad gudbeyso hishiisyo caalamku horay uu u gaaray.

Waa tijaabadii Afaraad  ee Nukleer ah ee dalka Waqooyiga Kuuriya uu sameeyey tan iyo sanadkii 2006, balse markaan waa markii ugu horeeysay ee dalkaasi uu tijaabiyo Nukleerka loo yaqaano hydrogen bomb.

Aqalka cad ee dalka Maraykanka Afhayeen u hadlay waxa uu sheegay in ay baaritaan ku hayaa gantaalka la tijaabiyey walxaha uu ka koobnaaa.

Golaha Ammanka kulanka degdeg ah oo ay isgu yimaadeen waxaa dalbaday dalalka US, Japan  South Korea.

Ambasadoorka UN-ka u fadhiya dalka Uruguay Elbio Rosselli, oo ah ininka madaxweynaha Golaha ayaa xusay in loo baahanyahay tilaabooyin dheeraad ah oo laga qaado dalka Waqooyiga Kuuriya.

Safiirka Japan ee UN-ka Motohide Yoshikawa, ayaa isna dhankiisa ku baaqay in si deg deg ah loo hirgaliyo qaraaradii horay UN-ku uu u gaaray.

Safiirka UN-ka u qaabilsan dalka Ruushka ayaa  isna taageeray cunaqabatooyin hor leh oo la saaro dalka  Waqooyiga kuuriya.

Waqooyiga Kuuriya ayaa tijaabisay gantaalo awood leh sanadadihii   2006, 2009 iyo  2013. Kuwaas oo sababay in dalkaa la saaro xayiraado badan.

Goobjoog News